984 Views

Shiinaha oo sheegay in muwadiniinta loo ogoladay inay dhali karaan hadda kadib 3 carruur ah.

Shiinaha oo  sheegay in muwadiniinta loo ogoladay inay dhali karaan hadda kadib 3 carruur ah.
____________________________________________________________________________

May 31 2021

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay maanta oo isniin in muwadiniinteeda loo ogolaaay inay dhali karaan hadda kadib 3 carruur ah.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in go’aankaan uu qeyb ka yahay siyaasadda  guud ee wax looga qabanaayo Gabowga kusoo badanaaya dadka Shiinaha .

Dowladda ayaa intaas ku dartay inay taageeri doonto hirgeinta go’aankaan cusub.

Dowladda Shinaha ayaa 2016-kii ogolaatay in la dhali karo 2 carruur kadib markii ay yaraadeen dhalinyarada dalkaas.

Waxaa xusid mudan in dowladda Shiinuhu mamnuucday 1979-kii in la dhalo hal cunug ka badan, si looga yareeyo kororka dadka Shiinaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post