972 Views

Maxkamad ku taalla Hargeysa oo xukuntay rag lagu eedeeyay kufsi

Maxkamad ku taalla Hargeysa oo xukuntay rag lagu eedeeyay kufsi
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL October 17|  2020
—Maxkamada Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa maanta lasoo taagay rag lagu eedeeyay in ay geysteen fal kufsi ah.

7 dii eedaysane ee ku eedaysnaa in ay kufsadeen Cawo Xariir oo ka mid ahayd caruurta xarunta agoomaha ayaa ay saaka dacwadoodi Maxkamadda Gobolka Hargeysa xukun ka soo saartay.

Maxkamada ayaa ku dhawaaqday xukunka waxaana labo  ka mid d ah 7 dii eedaysane ku xukuntay min 3 sano oo xadhig ah.

Halka 5 tii kale ay midkiiba maxkamaddu ku xukuntay 6 bilood oo xadhig dibad joog ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa sheegay in aysan ku qancin xukunka lagu riday raggaan islamarkaana ay qaadan doonaan racfaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post