426 Views

Siyaasiga Cabdijamaal Cismaan oo xalay laga sii daayay xabsiga magaalada Hargeysa.

Siyaasiga Cabdijamaal Cismaan oo  xalay laga sii daayay xabsiga magaalada Hargeysa.
____________________________________________________________________________

Axad: August 22, 202

Siyaasiga Cabdijamaal Cismaan Maxamed, ayaa xalay laga sii daayay xabsiga magaalada Hargeysa, halkaas oo maalmo ka hor lagu xiray.

Xukuumadda Somaliland kama hadlin sababta keentay xarriga, Cabdijamaal Cismaan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag, islamarkaana xilal heer wasiiro ah iyo xildhibaan ka soo noqday Puntland.

Qaar kamid ah siyaasiiyiinta ka soo jeeda Gobolka Sanaag, ayaa cambaareeyay xarigga Cabdijamaal Cismaan, ka hor intaan xalay xabsiga laga sii dayn.

Siyaasi Cabdiraxmaan Dhoorre oo si adag u cambaareeyay arrintaas, ayaa  sheegay in xarigga siyaasi Cabdijamaal ay ka dambaysay hay’adda Sirdoonka Puntland oo kaashanaysa Somaliland.

Waxa xusid mudan, in mas’uuliyiinta Puntland aysan marna ka hadlin xarigga Ex.xildhibaan Cabdijamaal Cismaan oo xilal sare ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee Puntland

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post