744 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Qaran ee Talyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Qaran ee Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Khamiis June 2, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beegan 2-da Juun.

Sjdoo kale waxaa munaasabadda ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1aadee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan iyo xubno kale.

Maalintan oo loogu magacdaray ( Italian Festa della Repubblica) waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii Jamhuuriyadda Talyaaniga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyada xiligaasi uu lahaa dalkaasi, munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan XFS, diblomaasiyiin sare iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku hadlaayey magaciisa iyo kan Madaxweynaha JFS ayaa dhambaal hambalyo ku aaddan maalinta la wadaagay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Taliyaaniga, asaga oo u rajeeyey in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post