816 Views

32-Cishe kadib, ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo ee Golaha Shacabka!

32-Cishe kadib, ballanqaadkii Madaxweyne Farmaajo ee Golaha Shacabka!
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL |  September 16 2020
—Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 15-kii Agoosto 2020, waxa uu hortagay Aqalka Shacabka BFS si uu ula wadaago natiijadii kasoo baxday Shirkii Dhuusamareeb (2) iyo madaxweyneenta kaalinta Goluhu uu ku leeyahay doorashada 20/21.

Khudbadda Madaxweynaha oo ahayd mid gaaban, waxa uu kahor ballanqaaday in uu dib ugu soo celinayo Natiijada kasoo baxda Shirka Dhuusamareeb (3) oo waqtigaas isu diyaarintiisu socotay, isla maalintaas ayuu u safray Dhuusamareeb.

20-kii Agoosto, waxaa kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb (3) warmurtiyeed saxiixiisa aysan ka qaybgelin Madaxweyne goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

27-Cishe ayaa laga joogaa Markii lasoo gaba-gabeeyay shirka, ilaa haatan Madaxweynaha Soomaaliya dib uguma laaban Golaha Shacabka BFS si uu ula wadaago Natiijada kasoo baxday Shirkii Dhuusamareeb (3).

“Golaha Shacabka oo ah Aas-aaska Nidaamka Dowladdeena waa hay’adda uga sareysa Matalaadda Shacabka oo waxa aad matashaan 15-Milyan oo Shacab ah, go’aamada aad gaartaan waa mid aad ku matasheen dadka aad matashaan, Natiijo waliba oo kasoo baxda Shirka Dhuusamareeb (3) sidaan oo kale ayaan dib idin kula wadaagayaa” waa hadalkii Madaxweynaha DFS uu kahor sheegay Golaha Shacabka 15-kii Agoosto 2020.

Guddoonka Golaha Shacabka waxa uu marar badan sheegay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, maadaama Aqalka uu meelmariyay Howlaha udub dhexaadka u ah Doorashadaas.

Xildhibaanno la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Xaaladda Dalka iyo waqtiga kooban ee xil heynta hay’adaha dastuuriga ah in aysan suuragal ahayn in la qabto Doorasho qof iyo cod ah ama shuruud laga dhigo.

Waxa ayse sheegeen in go’aan Doorasho oo ay wadajir u meel-mariyaan Madaxda Heer Federaal iyo Dowlad Goboleed aan laga maarmin Golaha Shacabkana uu taageerayo, maadaama muddo xil isu dhiibka 4-tii sanaba la qabto la doonayo in aan dhinac looga bixin.

Haddaba, Madaxweyne Farmaajo Golaha Shacabka maku celin doonaa Natiijada Shirkii Dhuusamareeb (3) oo 27-cishe heshiiskii shirkaas?


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post