1080 Views

Madaxweynaha Galmudug oo caawa Fiidkii soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka Bari.

Madaxweynaha Galmudug oo caawa Fiidkii soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka Bari.
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Waxaa Garoonka Muqdisho caawa fiidkii ka soo dagay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo, waxaana si weyn lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wafdiga madaxweyne Qoor qoor ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Shirka uu Qooq qoor u yimid in uu uga qeyb galo Muqdisho  waxaa looga hadli doonaa muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo sidii xal waara looga gaari lahaa caqabadaha hortaagan shirka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post