975 Views

War deg deg ah: Banaanbax looga soo jeedo aflagadadii Nabiga oo ka dhacay Nairobi iyo Ciidanada kenya oo is hortaagay..

War deg deg ah: Banaanbax looga soo jeedo aflagadadii Nabiga oo ka dhacay Nairobi iyo Ciidanada kenya oo is hortaagay..
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in salaadii Jimco kadib halkaas ay ka bilaawdeen, banaanbaxyo looga soo hor jeedo aflagaadadii Nabiga NNKH ee uu aflagaadeeyay Madaxweynaha franca Mocron.

Boqolaal qofood oo u badan Haween iyo caruur ayaa ka  soo qeyb galay banaanbaxaaso, Waxaana Ciidamada Kenya ay ku kala cayriyeen dadkaasi  Sunta dadka ka ilamaysiisa.

Dadkani ayaa ku qaylinayay Mocrona ha dhaco, waxaana markii danbe ay ku kala Carareen Goobta, markii Ciidamada amaanka Kenya ay soo gaareen goobta.

Sidoo kale  Banaanbaxani ayaa ku soo aadaya Xili salaadii Jimcaha kadib, inta badan Dalalka caalamka ee Muslimka ah laga oogay bananbaxyo looga soo hor Jeedo Madaxweynaha Franca Mocron.

Cabdixakim Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post