903 Views

Guddiga xukuumadda ee Rooble u saaray xalinta khilaafka Doorashada

Guddiga xukuumadda ee Rooble u saaray xalinta khilaafka Doorashada
____________________________________________________________________________

June 1 2021

Guddiga xukuumadda ee Ra’iisal wasaaraha u saaray xalinta khilaafka Doorashada Guddiyada khilaafaadka ayaa shaaciyey tirada xubnaha cabashada laga keenay ee ay u soo gudbiyeen dhinacyada kala duwan.

Afhayeenka guddiga oo ah Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay in soo gaareen Xukuumadda soo gaareen 67 xubnood oo cabasho laga qabo kana kala tirsan Guddiyada Doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka.

Midowga Musharixiinta ayaa u gudbiyey Ra’iisal wasaaraha 61 xubnood oo ka tirsan Guddiga, kuwaasoo si sharci darro ah loogu daray, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare uu gudbiyey 4 xubnood oo uu cabasho ka qabo, waxaa sidoo kale 2 xubnood gudbiyey Guddoonka Golaha shacabka.

Ad

Xubnaha cabashada laga keenay ayaa isugu jir shaqaale ka tirsan hay’adaha dowladda, ciidamada kala duwan iyo taageerayaasha madaxweynihii xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuwaasoo ka difaaca Baraha bulshada.

Ra’iisal wasaaraha ayaa faray guddiga howshan ku jira in laga saaro xubnaha ka tirsan ciidamada Qaranka iyo Shaqaalaha Hay’adaha dowladda, waxaana hadda socota howsha uu guddiga ku kala saarayo xubnahaasi.

Guddiga kala saarista xubnaha Guddiyada Doorashada waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab oo si weyn ugu dhow Ra’iisal wasaaraha, waxaana ku jira wasiiro\

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post