2322 Views

Afhayeenka TPLF oo Sheegay in ay so rideen diyaarad duqayn rabtay meelo u dhaw Maqale

Afhayeenka TPLF oo Sheegay in ay so rideen diyaarad duqayn rabtay meelo u dhaw Maqale
____________________________________________________________________________

Afhayeenka Ururka TPLF Getachow Rada ayaa habeenimadii xalay mar uu ka hadlayay Warbaahinta degaanka Tigray ayaa sheegay in shalay ay soo rideen ciidamada degaanka Tigray diyaarad rabtay inay duqayso meelo u dhaw Maqale.

Getachow ayaa sidoo kale beeniyay war kasoo baxay Taliyaha Ciidanka ee Itoobiya oo sheegayay inay ciidanka Qaranka ee Itoobiya lawareegeen magaalooyin hor leh.

Ma jirto warar xaqiijinaya sheegashada labada dhinac ee ku saabsan guulaha uu mid walba sheeganayo iyo waliba khasaaaha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan sii jiitamaya ee u dhaxeeya Ciidanka Fadaraalka Itoobiya iyo kuwa degaanka Tigray.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post