1437 Views

Maxkamadda G/Banaadir Oo Go’aan Ka Gaartay Xariga Wariye Cali Aadan Muumin

Maxkamadda G/Banaadir Oo Go’aan Ka Gaartay Xariga Wariye Cali Aadan Muumin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2019–Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa la soo taagay Wariye Cali Aadan Muumin oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala Warbaahinta Goobjoog FM ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa waxaa shalay lagu xiray Xarunta Hay’adda Dembi Barista ee CID-da,kadib markii la sheegay in Dacwad ay ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Hayeeshee Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Amray in Xabsiga lagu sii hayo Wariye Cali Aadan Muumin ilaa inta uu ka dhamaanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowlada.

 

Sidoo kale Maxkmadda Gobolka ayaa amar ku bixisay in la sii daayo oo Dib Xoriyadiisa loo siiyo Wariye Cali Aadan Muumin Marka uu dhamaado Imtixaanka dowladda Soomaaliya oo ku Eg 31-da.

 

Dhawaan ayaa Cali Aadan waxaa uu bartiisa Facebook uu ku leeyahay kusoo qoray in uu ahaayo nuqul kamid ah Imtixaanka shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo maalintii 3-aad ka socda Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment