672 Views

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka iyo Safiirka Sweden oo kawada hadlay arimo ku saabsan abaaraha.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka iyo Safiirka Sweden oo kawada hadlay arimo ku saabsan abaaraha.
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 19, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Sweden Amb. Per Lindgàde.

Danjiraha ayaa bogaadiyay hoggaamintii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee qabashada doorashada madaxweynaha si xur ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mahad celiyey hambalyada uu danjiraha soo gaarsiiyay, wuxuuna bogaadiyey doorka ay dowladda Sweden ku leedahay caawinta dadka danyarta, dhismaha magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka hirgeliyeen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dadaal dheeraad ah lagu bixin doono xal u helidda abaarihii dalka ku dhuftay si deg deg ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post