423 Views

koox hubeysan oo degmada Wadajir ku dilay Cabdi Ibraahim Ciid oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed

koox hubeysan oo  degmada Wadajir ku dilay Cabdi Ibraahim Ciid oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

.

Arbaco: AUGUST 31, 2022

Allaha u naxariistee, koox hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Cabdi Ibraahim Ciid oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Baanbeyda Soomaaliyeed.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in marxuumka ay laba nin oo ku hubeysan bastood rasaas ku fureen, xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku tukaday Salaadii Cishaha, dhaawac soo gaarayna loola carray Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa daqiiqado ka dib soo gaaray Ciidan Dowladda oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan u soo batay magaalada Muqdisho, xalay waxaa degmada Kaaraan qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda ee Maamulka degmada Yaaqshiid.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post