942 Views

Aqalka Wakiilada oo Ruushka ku faro-gelinaya doorashada 2020

Aqalka Wakiilada oo Ruushka ku faro-gelinaya doorashada 2020
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco , Feberaayo 21, 2020 —Saraakiisha sirdoonka Mareykanka ayaa sharci-dejiyayaasha u sheegay toddobaadkii tagay in Ruushka ay faro-gelinayaan ololaha doorashada 2020, ayada oo ujeedku yahay in shaki la geliyo sax ahaanshaha codadka, lana taageero dib u doorashada madaxweyne Trump.

 

Qof arrintan xog-ogaal u ah oo magaciisa qariyey, sababo la xiriira xasaasi ahaanshaha warkan, ayaa sheegay in xulufada Trump ee Jamhuuriga ah ee Aqalka Wakiilada ay su’aalo ka keeneen qiimeyntan oo ay sameeyeen saraakiisha Xafiiska Sirdoonka Qaranka, Khamiistii tagtay.

 

 

 

“Jamhuurigu waxay arrintan kaga jawaabeen sidii la filayey, aad ayey uga carroodeen. Waxa ay su’aal ka keeneen xogta sirdoonka,” ayuu yiri.

 

Saraakiisha sirdoonka ayaa kulan sir ah waxay sharci-dejiyayaasha uga digeen in Ruushka ay ka shaqeynayeen in shaki la geliyo sax ahaanshaha cod-bixinta dhaceysa 3-da November, ayada oo islamarkaana la xoojinayo in Trump dib loo soo doorto afar sano oo kale.

 

“Ruushku waxay door-bidayaan hal musharax, musharaxaasna waa Trump,” ayuu yiri ilo-wareed, kaasi oo diiday inuu sharaxaad bixiyo.

 

Wargeyska The New York Times ayaa khamiistii ku warramay in Trump uu carro kala dul-dhacay sii-hayaha Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Joseph Maguire, sababo la xiriira inuu shaqaalihiisa u ogolaaday inay hortagaan guddi hoosaadka Aqalka Wakiilada. Wargeyska ayaa soo xigtay shan qof oo arrintan xog-ogaal u ah.

 

Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu Maguire ka qaaday xilka sii-hayaha, kuna beddelayo Richard Grenell, oo ahaa safiirka Mareykanka ee Jarmalka tan iyo 2018, islamarkaana aad daacad ugu ah madaxweynaha.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment