867 Views

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq oo ka hadlay isku daygii dil ee uu ka badbaaday

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq oo ka hadlay isku daygii dil ee uu ka badbaaday
____________________________________________________________________________


Axad: November 7, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida isla markaana ay shacabka is dejiyaan kadib markii uu ka badbaaday isku daygii lagu dili rabay xilli gurgiisa oo ku yaalla Baghdad lagu soo weeraray diyaarad nooc aan duuliyaha wadin.

Mustafa al-Kadhimi wuxuu kasoo muuqday teleefishinka qaranka isaga oo xaqiijiyay in wax dhib ah uusan kasoo gaarin weerarkii lala damacsanaa in lagu khaarijiyo.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra’iisul wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, arrintaas oo loo malaynayo inay tahay iskuday lagu khaarijin rabay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post