1026 Views

Maamulka Gobolka Bari oo Amaro soo saaray

Maamulka Gobolka Bari oo Amaro soo saaray
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed ( Abwaanka) ayaa sheegay in dhibaatooyin farabadan lagu qabo dadka ku ganacsanaya hareeraha wadooyinka ee magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.


Guddoomiyaha oo ka hadlayay dabkii ka kacayay Magaalada Boosaaso ayuu sheegay inay waayeen Goobo ay u maraan damintiisa, taasi oo uu sheegay inay mas’uul ka yihiin dadka ku Ganacsanaya hareeraha wadoyinka.


Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalata dabka ay qeyb ka yihiin Shirkadaha Korontada oo uu sheegay inaysan xakameyn, taasina ay sababtay in uu si fudud uu dabka ku kaco.


Amarkaan kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed ( Abwaanka) ayaa kusoo aadaya xilli xalay dabka kacay suuqa Magaalada Boosaaso uu baabiyay Goobo Ganacsi oo ku yaal halkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post