288 Views

Pope Francis oo maanta booqasho ku tegayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

Pope Francis oo maanta booqasho ku tegayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo
____________________________________________________________________________

Talaado: 31 Jannaayo 2023

Pope Francis ayaa maanta booqasho ku tegayaa dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo halkaasoo ay ku nool ku yihiin bulshada ugu badan Afrika ee aaminsan diinta Roman Catholic.

In ka badan 37 sano ka hor ayay aheyd markii Pope-kii ka horreeyay John Paul II, uu booqasho ku tegay dalkan xilliggii la oran jiray Zaire.

Mas’uuliyiinta DR Congo ayaa Arbacada dalkaas uga dhawaaqay maalin fasax ah si dadka loogu ogolaado inay ka qeybgalaan isu soo bax oo hogaamin doono Pope Francsi oo lagu qaban doono garoonka diyaaradaha Ndolo ee Kinshasa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post