1128 Views

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta oo la kulmay Musharax Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta oo la  kulmay Musharax Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Waxaa caawa magaalada  Muqdisho ku kulmau Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharax madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan intii uu socday Ra’iisul wasaaraha iyo  Sheekh Shariif  ay iska wareesteen arimo ku aadan  inay dalka ka dhacdo doorsho xasiloon oo loo dhanyahay.

Markii uu soo dhamaaday kulankaas waxaa faahfaahin ka bixiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu, isagoo sheegay in kulankaan diirada lagu saaray duruufaha uu maanta dalku marayo, gaar ahaan xasaradihii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

“Labada masuul waxay ka wadahadleen duruufaha haatan dalku ku jiro, amniga caasimadda, xasilinteeda iyo sidii horay loogu socon lahaa, iyadoo la ogyahay in dhawaan ay ka dhaceen xasarado, waxaana ra’iisul wasaaraha ka go’an in wax walba nabad lagu dhameeyo, diyaar garowna loo sameeyo shirarka Qaran ee dib u heshiisiinta ee dhici doona, waxuuna sii wadayaa kulamada iyo xiriirka uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mucalimuu.n.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post