1554 Views

Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha Puntland Oo Soo Geba Gaboowday

Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha Puntland Oo Soo Geba Gaboowday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 07, 2019 —Waxaa Goordhow soo geba gaboowday Hadal jeedinta Musharixiinta Madaxweynaha Puntland,waxaana khudbadaha jeediyay 21 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Puntland.

Musharixiinta ayaa jeediyaya khudbado kala duwan,kuwaas oo doonaya inay kusoo jiitaan Golaha Wakiilada Puntland si ay codka u siiyaan.

Musharax Dr Maxamed Siciid Gaadaale ayaa sheegay in Dowlad Goboleedyada,dowladda Federaalka Soomaaliya,Beesha Caalamka iyo dowladaha deriska ah ay Puntland si amaan ah kula noolaan doonto hadii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha.

Madaxweynaha hadda xilka kasii degaya ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna sheegay in uu la imaan doono isbedel dhinac walba,hadii uu fursad kale u helo in uu xilka ku guuleysto.

Waxaa kaloo uu sheegay Madaxweyne Gaas in Puntland u baahan tahay hogaamiye ka difaaci kara xisaabtanka hanaanka Federalka ah,sidoo kalena Puntland u baahneyn shaqsi aan ogeyn culeyska jira.

Musharax Khaiif Ciise Mudan ayaa sheegay in hadii uu guuleysto uu marka hore uu xooga saari doono sidii Al-Shabaab uga sifeyn lahaa Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo,isla markaana Gacanta Puntland kusoo celin doono Dekadda Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale musharixinta Khudbadaha jeediyay ayaa waxaa ka mid ah Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Saciid (Juxa).

Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda Bilaaban doonta hadal jeedinta Musharixiinta Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay u taagan yihiin 11 musharax.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha ee Khudbaaha jeediyay.

1: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

2: Siciid Cabdulaahi Deni

3: Cali Cabdi Awaare

4: Cabdisamad Gallan

5: Maxamud Axmed Gar libaax

6: Cali Ciise Cabdi

7: Khaliif Ciise Mudan

8: Daahir Mire jibriil

9: Maxamad Cabdullahi Xuseen (Shortaaye)

10: Aadan Maxamed Ciise Gaadaalle

11: Maxamed Cali Cismaan Maad

12: Asad Cismaan Cabdulaahi.

13: Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)

14: Cali Xaaji Warsame.

15: Maxamed Axmed Shaale

16: Maxamed Xirsi moorgan

17: Cabdi Faarax Siciid juxa

18: Maxamuud Xasan Khaliif

19: Faarax Cali Shirre

20: Cabdiqaadir yaasiin cabdi.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment