1029 Views

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Gudaha Kenya

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Gudaha Kenya
____________________________________________________________________________


Axad: November 21, 2021

 
Ugu yaraan afar ruux ayaa geeriyooday, halka tirro kalena oo dad ah waa ay dhaawacmeen, kadib markii shil gaari uu habeemadii xalay aheyd ka dhacay wadada u dhexeeysa Gobolada Mai Mahiyu iyo Narok Highway ee dalka Kenya.

Shilkaan ayaa ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca xamuulka qaado ah, xili ay ku socdeen xawaare sare, iyagoona iskaga horyimid dalcada deegaanka Maltauro oo qiyaastii 40 KM u jira Narok.

Qof goobjooge oo la hadlay warbaahinta Maxaliga Kenya ayaa u sheegay in shilkii dhacay ay ku gubteen laba gaari oo kala ahaa nooca qooqanta loo yaqaano iyo mid kale oo yar ah, kuwaasi oo sii jeeday Magaalada Caasimadda ah ee Nairobi.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Ismaamulka Narok ee Kenya, waxaana goobta uu shilka ka dhacay laga jiiday gaadiidka isku dhacay, sidoo kalena laga qaaday Meydadka dadkii geeriyooday.

Toddobaadkii hore lix qof ku dhintay isla goobta uu xalay shilka ka dhacay oo aheyd wadada mashquulka badan ee u dhexeeysa Gobolada Mai Mahiyu iyo Narok Highway ee Kenya, iyadoona dadka deegaanka ay ku baaqeen in wax laga qabto shilalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post