579 Views

Wasiirka iskaashiga Sweden oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya, soona dhoweeyey heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda iyo midowga musharraxiinta.

Wasiirka iskaashiga Sweden  oo  ka hadlay xaaladda Soomaaliya,  soona  dhoweeyey heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda iyo midowga musharraxiinta.
____________________________________________________________________________

February  27 /2/ 2021

Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Sweden, Per Olsson Fridh ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isaga oo soo dhoweeyey heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda iyo midowga musharraxiinta.

Mr Per Olsson ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in dowladdiisu ay si weyn u boggaadineyso heshiiska, isaga oo ugu baaqay labada dhinac inay sii wadaan wada-hadallada socda, si xal waara looga gaaro muranka ka taagan doorashooyinka.

“Sweden waxay soo dhoweynaysaa heshiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Golaha Midowga musharixiinta madaxweynaha iyo hogaamiyaasha Hirshabelle, Galmudug & Banaadir.” ayuu yiri Wasiirka iskaashiga caalamiga ee Sweden.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Waxay ku bogaadineysaa dhinacyada oo dhan tallaabadan ku aaddan xuquuqda dastuuriga ah, badbaadada muwaaddiniinta & sii wadista wadahadallada siyaasadeed si loo xaqiijiyo doorashooyinka nabdoon,”.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Sweden ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka ah ay ka caawisaa dhinacyo muhiim ah.

Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalada adag oo kala guur ah, waxaana socda dadaallo xoogan oo ku aadan sidii looga gudbi lahaa marxaladdan, loona aadi lahaa doorasho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post