2262 Views

Sawiro:-Ciidamo Ka Socda AMISOM Oo Ku Soo Wajahan Soomaaliya

Sawiro:-Ciidamo Ka Socda AMISOM Oo Ku Soo Wajahan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 22, 2018 —Dhawaan  ayaa la filayaa in Ciidamo ka socda kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay soo gaaraan Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan si ay ciidamada dowladda uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamadaas ayaa Khamiistii la soo dhaafay waxaa tababar loogu soo xiray Xerada Ciidamada waceys Cajab oo ku taalla Magalada Carta ee dalka Jabuuti,waxana ciidamadaas ay gaarayaan 900 oo Askari.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida dalka Jabuuti Janeraal Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa ka qeyb galay munaasabada tababarka mudada 10 bilood ah u socday loogu soo xirayay Ciidamada Jabuuti ee ku soo wajahan Soomaaliya.

Ciidamadaas ayaa waxaa sigaar ah ay uga howlgeli doonaan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah degmooyinka ay Al-Shabaab Go’doomiyeen ee Gobolka Hiiraan,waxaana ciidamaas bedeli doonaan Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Jabuuti.

Waa qeybtii lixaad ee Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti ee loo soo diro Soomaaliya,waxaana ay ku sugan yihiin degmooyin ka trsan Gobolka Hiiraan oo ay soo galeen Sanadkii 2011kii.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida dalka Jabuuti Janeraal Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa Ciidamada kula dardaarmay in ay ilaaliyaan amaanada iyo inay ka soo baxaan waajibka la saaray ee loogu gurmayo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ciidamad u sheegay inay u  socdaan dal ay joogaan dad ay walaalo yihiin,waxaana uu cadeeyey in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn ku leeyihiin Shacabka Jabuuti oo ay wax badan u tareen markii ay Gobanimada qaateen.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka afrika ee Ciidamada u soo diray dalka Soomaaliya,waxana Gobolka Hiiraan kaga sugan Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM.

 

x1 x2 x3 x4

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment