948 Views

Galmudug oo dib u dhigtay kuraas la isku haysto ee aqalka Sare

Galmudug oo dib u dhigtay kuraas la isku haysto ee  aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 11, 2021

Waxaa saacadihii la soo dhaafay soo baxay Magacyada ilaa 6 xubnood oo uu Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) shaaciyay in ay u tartamayaan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa ku dhowaaqay liiska lix ka mid ah kuraastaasi oo ay ku tartami doonaan illaa 12 musharrax, labada kursi ee dhimman ayaa waxaa haatan ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) & sidoo kale Senator Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee dib loogu dhigay labadan kursi ay tahay in weli la’isku dhagan yahay, isla-markaana uu Qoor Qoor wado wada-tashiyo ku aadan kuraastaas, si xal looga gaaro muranka ka taagan, loona kala saaro musharraxiinta.

Kuraasta la isku mari la yahay waxaa ka mid ah laba kursi oo ka mid ah kuraasta,  labdaan kursi waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, iyo Xildhibaan cabndixakiin Bidaar iyo Jawaahir.

Sidoo kale Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug laguma shaacin, xilliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono musharraxiinta kuraastaas oo ka mid ah kuwa ugu saameynta ee badan, marka loo eegto siddeeda kursi ee taalla magaalada Dhuusamareeb.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post