918 Views

Dil ka dhacay Magaalada Beledweyne & faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay Magaalada Beledweyne & faah faahin kasoo baxeysa
____________________________________________________________________________

Kooxo hubeysan ayaa waxaa ay Maanta xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne  la sheegay  ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, iyaga oo horay u qaatay qorigii uu watay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Askariga  xilliga la dilayay  uu ku sugnaa  Suuqa Xoolaha ee Xaafada Holwadaag, isla markaana kooxihii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Macallin Cismaan Cabdikariin ayaa ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, waxaana meydkiisa goobta lagu dilay ka qaaday ciidamo ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga iyo Booliska Hir-Shabeelle ay xaafada Howl-Wadaag ka sameeyeen howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka askariga balse aan lagu guuleysan in la soo qabto.

Magaalada Beledweyne ayaa bilihii la soo dhaafay amnigeeda waxaa uu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana siyaabo kala duwan loogu dilay guddoomiye Xaafadeedyo, Askar iyo dad kale.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post