1359 Views

Daawo:-Xildhibaan Jeesow ” Golaha Wasiiradda waan rideynaa”

Daawo:-Xildhibaan Jeesow ” Golaha Wasiiradda waan rideynaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –MXildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa digniin adag u diray Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya qaarkooda xildhibaanada ah oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Kulamada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Jeesow ayaa wacad ku maray in Xukuumadda Kheyre ay meesha ka bixi doonto haddii Xildhibaanada Wasiiradda Noqday ay soo xaadiri waayaan Kulamada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in ay keeni doonaan Mooshin uu garwadeen ka yahay hadii la kala saari waayo Shaqadda Golaha Shacabka iyo Midda Xukuumadda.

Xildhibaanka ayaa ka mid ah Xildhibaano ku dhow 20 oo maanta soo gudbiyay Mooshin looga soo horjeeday Ajandaha kulanka ee ahaa Dastuurka, islamarkaana dalbaday in laga dhigo Ammaanka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment