777 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Taliyeyaasha booliiska iyo militeriga

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Taliyeyaasha booliiska iyo militeriga
____________________________________________________________________________

Sabti: May 7, 2022

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan sugidda Amniga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaceysa 15 bishaan May.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay adkeynta Amniga Guud ee dalka, maadaama ay gaba gabo mareyso Doorashada Wadanka oo muddo sannad ka badan soo jiitamaysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post