1380 Views

Sarifka lacagaha ee Online- Ganacsadihii Forex ee khasaaray $5.4 milyan

Sarifka lacagaha ee Online- Ganacsadihii Forex ee khasaaray $5.4 milyan
____________________________________________________________________________

May 29 2021

Mobeen Azhar oo ah weriye ayaa warbixinta ku eegeyaa sida ganacstada maalaayin doollar ku khasaaraan ka dib ganacsiga sarifka ee dhanka online-ka ah.

Wuxuu ka sheekeynayaa ganacsato farqaha u galay dad isku sheegeyo in ay leeyihiin shirkado qaabilsan dhanka lacagaha oo ay ku soo biiri karaan, si faa’ideyo ay u sameeyaan.

Waxaa dadka ganacsatada ah ee lacagaha laga qaaday loo sameeyay qol WhatsApp ah oo ay ku wada xiriirayaan si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa ganacsi, waxaana loo sheegay in lacagihii ay gashadeen shirkadaha Online-ka aanay kala bixin karin.

Ganacstadan markii ay khasaareen ayay ogaadeen in shirkad loogu sheegay Infinox oo ka diiwaangashaneyd jasiiradda Bahamas, uusan wax cilaaqaad kala dhexeyn waaxda maamusha lacagaha ee UK. dadka laga qaaday lacagta ugu badan waxay ku sugnaayeen Britain.

Wuxuu sannadkii 2020-kii arkay muuqaal baahay oo ku saabsan nin lacago caddaan siinaya dad uusan aqoonin. Waxaana ninkaas lagu magacaabay Gurvin Singh Dyal, oo ah ardeyd kulliyada dawada ka dhigta jaamacad ku taalla Britain.

Gurvin wuxuu caan ka ahaa baraha bulshada ka hor inta aanan laga waaynin halkaas. Dad ku xirnaa boggiisa Instagram-ka ayaa sheegay in dhaqaale uu ka sameeyay ganacsiga sarifka.

Wuxuu bilaabay shirkada lagu magacaabo GS3, si uu ganacsi ula sameeyo qof kasta oo firfircoon, oo daneynaya in uu ogaado qaababka ganacsiga hadda caanka noqday ee online-ka dhaqaalaha badan looga sameeyo.

‘Waxaan heystay in ka badan $24,000 oo doollar, waxaa ii soo haray $68 doolar’

Nin lagu magacaabo Jonathan, ayaa barta Instagram-ka ku bartay Gurvin. Wuxuu sannadkii 2019-kii ku biiray shirkadda GS3, waxaana Jonathan lagu daray qol WhatsApp ah oo kulmisay dad maalgashato ah oo qeyb ka ah shirkaddaas.

Wuxuu ganacsiga sarifka online-ka ku darsaday $1,400 doollar.

Jonathan wuxuu ka war hayay halista ku aadan sarifka online-ka, balse waxaa shakiga ka bixiyay Gurvin oo u sheegay in GS3 ay maamusho waaxda maamulka lacagaha ee UK.

Markii hore Jonathan wuxuu helay faa’ido badan, wax ka yar toddobaad wuxuu sarifka geliyay $24,000 oo doollar.

Wuu ka macaashay ganacsigaas, xitaa wuxuu gaaray ganacsigiisa illaa $42,600 oo doollar, balse xilligii dabaaldeggii ciiddda Kirismaaska, sannadkii 2019-kii, ayay wax kasta is beddaleen.

Lacagtii uu ku maalgashaday safirka Forex-ka, ayaa hoos u dhacayay maalinta maalinta ka dambeysa, isaga oo khasaare weyn kala kulmay, waxaana u soo haray $68 oo doollar.

Jonathan wuxuu sheegay in farriimo marin habaabin ah oo uga imaanayay shirkadda ganacsiga ee GS3 ay ka joojiyeen in lacagihii uu sameeyay uu kala baxo shirkadda sarifka Online-ka ee ‘been abuurka ahayd’.

Wuxuu intaas ku daray in qofkii maamulayay ganacsiga sarifka uu u sheegay in laga saari doono shirkadda, waa haddii uu isku dayo in lacagtii uu faa’iday uu la baxo.

Jonathan wuxuu ka mid yahay dad badan oo ay qabsatay sheeko noocan ah. Isaga iyo dad kale waxay galeen khasaare gaarayo $5.4 milyan oo doollar.

Jonathan wuxuu dib u xusuustay dadkii ay qolka WhatsApp-ka ay ku wada jireen, kuwaas oo qeyb ka ahaa shirkaddan sarifka.

“Waa lacagtii aan meel dhiganayay, xitaa ma iska bixin karo kirada guriga hadda. Dadka qaar waxay lacago ka soo amaahdeen waaliddiintooda, haddana waxkasta way waayeen oo wey ku khasaareen”, ayuu yiri.

Joanna Bailey, oo ah qareen ku takhasustay musuqa la xiriira sariifka, ayaa sheegtay in shirkadeeda ay soo gaareen in ka badan 3,000 oo cabasho oo ku saabsan eedeymo iyo fadeexad dhanka sarifka online-ka ah.

Sida ay muujinayaan kiisaska loo soo gudbiyay Joanna Bailey, dadka sariifka galay waxay lumiyeen $14,000 ilaa $5,670,000 oo dollar.

Waxay dadkaas u heysteen in lacagahooda ay ilaalineyso waaxda maamusho lacagaha ee UK, markii ay khasaaraha galeen ayay ogaadeen in lacagahooda ay ku dambeeyeen shirkado shisheeye oo aanan wax damaanad ah ka heysanin Britain.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post