777 Views

Faysal Cali Waraabe oo ku tilmaamay wax laga xumaado in James Swan Uu ka Qeyb galo Doorashada loogu Yeeray Somaliland

Faysal Cali Waraabe oo ku tilmaamay wax laga xumaado in  James Swan Uu ka Qeyb galo Doorashada loogu Yeeray Somaliland
____________________________________________________________________________

Axad: October 3, 2021

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa mar kale ka hadlay xaalada Soomaaliya iyo doorashada Maamulka Somaliland ee ka dhacday Xerada Afisioyooni.

Waraabe ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay ku sugan yihiin xaalad niyad-jab ah, waxa uuna maamulka Muuse Biixi uu ku dhaliilay talaabadii ay ka qaadeen arintaas.

 “Waxaa Muqdisho ka dhacay waad aragtaan doorashadii aqalka sare ee Somaliland, yaa dooranaya, waxaa ka Qeyb galay  Ergayga Q.midoobay ee Soomaaliya James Swan, waana sharaf dhac. Waxaan leeyahay Xukuumada waa in uusan imaan Somaliland James Swan “ayuu si kulul u yiri Waraabe.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa horey sheegay in xukuumada Somaliland ay ogtahay ergadii wajiga duubtay ee ka qayb gashay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post