276 Views

Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacday Kacdoon Dadweyne oo ka dhashay dilalka Qorshaysan ee aan la aqoonsani dadka gaysta ee Laascaanood kusoo noq-noqday.

Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacday Kacdoon Dadweyne oo ka dhashay dilalka Qorshaysan ee aan la aqoonsani dadka gaysta ee Laascaanood kusoo noq-noqday.
____________________________________________________________________________

 Arbaco: December 28  2022 

Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacday Kacdoon Dadweyne oo ka dhashay dilalka Qorshaysan ee aan la aqoonsani dadka gaysta ee Laascaanood kusoo noq-noqday.

Dilkii ugu dambeeyay waxaa habeen hore  Laascaanood loogu gaystay Alle ha u naxariistee, Cabdifataax Cabdillaahi ( Hadraawi Sangub ) waxaana dadka ka cadhaysan dilalka lagu beegsanayo shacabka Laascaanood, ay maanta Xidheen qaybo kamid ah wadooyinka magaalada.

Sidoo kale Ciidamada maamulka Somaliland ayaa shacabka u adeegsaday Rasaas Nool taasi oo keentay inay dad shacab ah iyo dhalinyaro ku geeriyoodaan Rasaastii ciidanka.

Badhasaab ku xigeenka gobolka Sool oo xabaasha dusheeda kala hadlay dadweynihii aaska kasoo qaybgalay, ayaa shacabka ugu baaqay in ay wax iska celiyaan.

“Miyaynaan dhiig lahayn, miyaynaan dareen lahayn, adduunyada meelna kama dhacdo, maalinwalba in aabihii, wiilkii, adeerkii uu macno la’aan u aaso, waar wax iska celiya, oo damiir kiina ku tashada, oo dadka aad doorateen wax waydiiya, oo wax iska celiya” ayuu yidhi badhasaab ku xigeenku.

Waxa uu sheegay in ay xukuumadu ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato dilalka “Laba waxyaabood ayaa wax lagu qabtaa, ama nidaam ayaa wax lagu qabtaa, oo nidaam dowli ah ayaa wax qabta, nidaamkii dowliga ahaa waad aragtaan, waar reer Laascaanodow tashada ayaan anigu idin leeyahay”.

Xubnaha ku metala  gobolka Sool DF Soomaaliya ayaa ah kuwa aan damiir lahayn, sidoo kale  ma jirto wax damqasho ah oo laga sugayo kuwa fadhiygoodu yahay Hargeisa ee kasoo jeeda deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post