1410 Views

Roobkii Guga oo gelinka dambe maanta ka curtay magaalada dhuusamareeb caasimadda dowlada Galmudug

Roobkii  Guga oo  gelinka dambe maanta ka curtay  magaalada dhuusamareeb caasimadda dowlada Galmudug
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Wararka ka imanaya caawa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in Roobka guga ayaa maanta gelinka dambe ka curteen  magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku nool dhulka miyiga oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay aad ugu diirsadeen roobka Guga, Maadaama jiilaal aad u adag lagu jiray dadka iyo duunyaduna wajahayeen xaalado nololeed, sidoo kalana Meelaha qaar biya la’aani ka jirtay.

Sidoo kale Maamulka Magaalada dhuusamareeb ayaa bulshada magaalada Maalmihii la soo dhaafay ku wacyigalinayey in laga shaqeeyo nadaafadda si looga baaqsado cudurada faafa ee ka dhasha meelaha biya fariisiga leh.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post