840 Views

Xildhibaan khadiija Diiriye oo iskusoo Sharaxday Booskii Fahad Yaasiin U tartami lahaa

Xildhibaan khadiija Diiriye oo iskusoo Sharaxday Booskii Fahad Yaasiin U tartami lahaa
____________________________________________________________________________

Talaado: April 19, 2022

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay inay tahay murashax u taagan kuriga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Kursiga xildhibaanad Khadiija ay ku dhawaaqday inay u tartameyso ayaa waxa la rumeysan yahay inuu yahay midka uu sida aadka ah u doonayo Fahad Yaasiin oo weli aanu helin shahaadada xildhibaannimo.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa qoraal ay soo saartay boggeeda Facebook waxay ku shaacisay murashaxnimadeeda, iyadoo tiri “Kadib markaan talo soo jeedinta saaxiibadeeyda siyaasadda aan ku tolloownay anigoo dareensan in hore loo dhaqaajiyay doorashada golaha shacabka BJFS waxaa lacaga bilaabo caawo soo bandhigayaa murashaxnimadayda guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka baarlamaanka 11-aad”.

Khadiija iyo Fahad Yaasiin ayaa aad isugu dhow, waxaana la ogeyn in tallaabada ay ku shaacisay murashaxnimadeeda inay tahay siyaasad iyo in Fahad ka quustay inuu helo kursiga laga hakiyey, sidaasi darteedna uu u arkay in Khadiija Maxamed Diiriye booskii uu banneeyay inay buuxiso.

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa caan ku ah is rog-rogga siyaasadeed waana sababta keentay inay shan jeer soo gasho baarlamaanka, iyadoo xiligaan ay ka mid tahay taageerayaasha Villa Somalia.

Doorashadii baarlamaanka 11-aad ayey sidoo kale waxay ka mid aheyd murashaxiintii aadka loogu saadaalinayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad, iyadoo cododkii ay heshay ugu shubtay Cabdiweli Ibraahim Muudeey.

Office Nairobi Kenya



_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post