591 Views

shirkii golaha wada-tashiga qaran oo galay maalintiisii labaad

shirkii golaha wada-tashiga qaran oo galay maalintiisii labaad
____________________________________________________________________________


Axad : August 22, 2021

Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa  maalintii labaad ka socda shirkii golaha wada-tashiga qaran, kaas oo galay maalintiisii labaad.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa  xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.waxaana lagu wadaa in shirkaan manta laga soo saaro go’aamo

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa gudoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana sidoo kale goobjoog ah madax goboleedyada dalka iyo duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in shirka ay soo wajaheen caqabado xoogan oo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka weli ka taagan qodobada qaar ee doorashooyinka 2021-ka.

Shirkan oo ka socda Teendhada Afisyoone ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post