966 Views

PUNTLAND: “Doorashada oo dib u dhacda dalka waxay galin doontaa daganaansho la’aan”

PUNTLAND: “Doorashada oo dib u dhacda dalka waxay galin doontaa daganaansho la’aan”
____________________________________________________________________________

Axad, Abriil 12, 2020 [Qaranimo Online] Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war ay soo saartay maanta waxay kaga digtay in dib loo dhigo doorashada loo madlan yahay 2021 sababo la xiriira cudurka Covid19 .

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo shir ku qabtay Magaalada Gaalkacayo, ayaa sheegay in aragtida Puntland ee doorashooyinka soo socda ay tahay in waqtigeeda ku qabsoonto, sidoo kale waxa uu xusay in madaxda DFS iyo maamulada dalka ay isu yimaadaan si laysula meel dhigo Arimaha Doorashooyinka.

Wasiirku, wuxuu sheegay dib u dhac ku yimaada doorashada in ay sababi karto xasilooni darro siyaasadeed.

“Doorashada Soomaaliya oo dib u dhacda, iyada oo xanuunkan lagu marmarsiiyoonayo, waxay dalka gelindoontaa degonaansho la’aan dalka, waa in loo diyaar garoobaa dalka in ay doorasho ka dhacdo xiligeeda, si looga hortago in dalka uu galo carqalad xagga dastuurka ah” ayuu yiri Dhaban-cad.

Wasiirku wuxuu kaloo xusay in sida keliya ee lagaga guuleysan karaa cudurka adduunku u caal la’ yahay ee Covid19 ay tahay in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu is kaashaadaan, wuxuuna intaa ku daray in iyada oo gacanna lagaga hortagayo cudurka Covid-19 gacanta kale  laga shaqeeto sidii doorasho loo qaban-lahaa. waxa uu tilmaamey in wixii dhibaato ah oo yimaada ama xaaladu ay faraha ka baxdo in laysugu yimaado wax isla-ogol ah layslana qaato.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment