1755 Views

Madaxweyne Waare “Shabaabka soo weerara Hirshabeelle waxay ka yimaadaan laba M/Goboleed”

Madaxweyne Waare “Shabaabka soo weerara Hirshabeelle waxay ka yimaadaan laba M/Goboleed”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 21, 2018 – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee Hirshabeelle weerarka ku soo qaada inay ka yimaadaan degaanada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xoojiyeen weerarada iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay sii laba jibaaraan taageerada ay siinayaan ciidamada Hirshabeelle ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Madaxweyne Waare ayaa xusay in Al-Shabaab keliya looga guuleysan karo in si wadajir ah dagaal loogu qaado degaanada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan degaanada Hirshabeelle, weerararadaas qaarkood waxaa ku dhintay masuuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment