1155 Views

DegDeg: Guddoomiyaha guddiga Doorashadda heer Federal oo xilka laga qaadayo

DegDeg: Guddoomiyaha guddiga Doorashadda heer Federal oo xilka laga qaadayo
____________________________________________________________________________

Sabti: November 6, 2021

Guddiga Doorashadda heer Federal ayaa hadda kulan aan caadi aheyn waxay ku leeyihiin Air Port Hotel. Kulanka ayaa ujeedada loo

Xubnaha guddiga ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf xooggan. Waa guddoomiyaha guddiga oo dhinac iyo dhammaan xubnaha kale oo kasoo horjeeda hab maamulkiisa iyo qaab dhaqan fool xun oo ay ku eedeeyeen.

Marka koobaad shaqo ka joojin ayey hadda ku sameynayaan xubnaha shirsan, guddiga guddoomiye Cirro oo ay ku eedeeyeen shaqo gudasho la’aan, Anshax xumo oo shaqooyin horena uu ku waayey Cirro, wada shaqeyn xumo iyo in Villa Somalia uu u af duubay shaqadii gudigga.

Waxay hiigsanayaan in guddoomiyaha uu yahay shaqsi guddiga ula imaanaya warar looga soo meeriyey Villa Somalia.

Haddii uu diido shaqo ka joojinta guddiga waxaa la qorshaynayaa in Xilka ay ka qaadaan kulan kale oo Berri ay fariisanayaan.

Sidee u aragtaa in xubnaha guddiga Doorashaddu eryaan guddoomiyaha guddiga doorashadda?

Cali Aadan Muumin

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post