5634 Views

Maxamed Aadan Koofi oo loo magacaabay Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada

Maxamed Aadan Koofi oo loo magacaabay Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 27, 2016: Maxamed Aadan Koofi, taliyihii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada ee dowladda Soomaaliya.Koofi ayaa bedelaya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ahaa waayo arag muddo 10-sano xilkaas soo hayay aaminka loogu qabay in yahay nin shaqadiisa ka soo baxaaya.

Wararka ayaa sheegaya in magacaabida Koofi ay ka dambeysay, cabasho beesha uu ka soo jeedo ay qabtay, oo ku aadanaa in aan loo magacaabin xilalka sare ee dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan waxaa uu si rasmi ah xilka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ugu magacaabay Jen. C/llaahi Gaafow oo bishii la soo dhaafay xilkan si KMG ahaan loogu magacaabay, markii xilka laga qaaday Jen. Tuuryare.

Koofi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa horay u ahaa Madaxii Ilaalada Madaxtooyada, sidoo kale sanadkii 2014 ayaa loo magacaabay xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir,

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment