552 Views

Duufaan xooggan oo wadata roobab baraf ah oo ku dhufatay xeebaha bari ee dalka Maraykanka.

Duufaan xooggan oo wadata roobab baraf ah oo  ku dhufatay xeebaha bari ee dalka Maraykanka.
____________________________________________________________________________

Sabti January 29, 2022

Duufaan xooggan oo wadata roobab baraf ah ayaa ku dhufatay xeebaha bari ee dalka Maraykanka.

Waxaa jira digniinno ku aaddan in korontada ay ka go’i doonto gobolkaas, isla markaana dhibaato xooggan laga kulmi doono socdaalka.

Dadka cimilada saadaaliya ayaa sheegaya in duufaanta ay wadato dabeylo xooggan, isla markaana ay reebi doonto baraf xad dhaaf ah.

In ka badan shan kun oo duulimaad ayaa loo baajiyay duufaanta awgeed.

Saadaasha ayaa sheegaysa in ay jirto duufaanta kale ee loo yaqaano Nor’ester, lagana yaaba inay daboosho ama saamayn ka gaysato aagga magaalada Boston.

Rikoorka hadda jira ee 27.6in (70cm) 24 saacdiiba ayaa waxa la diwaangeliyay 2003-dii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post