753 Views

Qaramada Midoobay oo cambaareysay Qaraxii shalay Afghanistaan ee ay dadka badan ku dhinteen

Qaramada Midoobay oo cambaareysay Qaraxii shalay Afghanistaan ee ay dadka badan ku dhinteen
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa si weyn u cambaareeyey qaraxi Jimcihi lala beegsaday masaajid u yiillay magalada Kunduz ee dalka Afghanistaan.

Wuxuuna Gutteres bayaan uu qaraxaasi ku cambaareynayo uu soo saaray uu ku sheegay qaraxan inuu noqonayo kiis seddexaad oo wax ka yar toddobaad lagu qaado goob lagu cibaadeyso.

Dadki ku dhintay qaraxi weynaa ee Jimcihi ka dhacay magalada Kunduz ee Afghanistan ayaa maanta aas wadareed loo sameeyey.

Ku dhawad 50 qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen weerarki ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay masaajid ay dadaakis ku cibaadeysanayeen.

Ururka Daacish ayaana sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi ismiidaaminta.

Dadki aaska ka so qaybgalayna waxay ku baaqeen nabad waarta oo ka taabba gasho Afghanistan, iyaga oo u duceeyey dadki qaraxaasi ku dhintay.

.BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post