759 Views

Taliban “ Mareykanku wuu eedi doonaa haddii uu sii joogo Afghanistan

Taliban “  Mareykanku wuu eedi doonaa haddii uu sii joogo Afghanistan
____________________________________________________________________________

Talaado: August 24, 2021

Mareykanka ayaa cadaadis lagu saaray inuu waqti dheeraad ah siiyo daadgureynta ka socota dalka ay Taliban xukumaan ee Afghanistan iyadoo ay soo dhow dahay xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay.

Heshiis uu la gaaray Taliban, ayaa dhigaya in Mareykanka uu dalkaasi kaga baxo wiixi loo gaaro 31 August.

Balse Faransiiska, UK iyo Jarmalka ayaa dhammaantood sheegay suurtogalnimada in ciidamadu ay sii joogayaan Afghanistan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in muddo 24 saac gudahood ah uu go’aan kaga gaaro in la dheereynayo waqtiga kala bixitaanka ciidamadiisa.


Si kastaba Taliban ayaa BBC-da u sheegtay in muddo kororsigauu meel uga dhacayo heshiiska waxayna ka digeen in cawaaqib xumo lagala kulmi doono haddii ay ciidamadu sii joogaan.

Tobnaan kun oo qof ayaa laga daad gureeyay caasimadda Afghanistan ee Kabul, balse weli qaar kale ayaa ku harsan oo doonaya inay ka baxsdaaan dalkaas iyagoo buux dhaafay garoonka, oo ay ilaaliyaan ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda.

nta badan dadka qaxaya, gaar ahaan kuwa la shaqeeyay ciidamada shisheeye, ayaa ku nool cabsi ah inay ciqaab kala kulmi doonaan kooxda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa weriyeyaasha u sheegay isagoo ku sugan Imaaraatka Carabta: “Waxaanu ka walaacsannahay waqtiga kama dmabeysta ah ee ay qabsatay Mareykanka ee August 31. Waqti dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo dhammeystiro howlgallada socda.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Heiko Maasayaa isagana sheegay inuu ka hadlay in garoonka Kabul uu sii furnaado wixii ka dambeeya waqtiga kama dambeysta ah.

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa la filayaa in Mareykanka uu ku cadaadiyo in waqtiga la kordhiyo. Xoghayaha Gaashaandhigga Ben Wallace ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu isku dayayo uuna xoogga saarayo in Mareykanku uu waqtiga kordhiyo.

UK ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka la’aantood aysan militariga shisheeye sii joogi karin Kabul.

La taliyeyaasha militariga ayaa Aqalka Cad u sheegay in loo baahan yahay in maanta go’aan laga gaaro in ciidamada, qalabkooda iyo hubkoodaba ay dalkaasi uga baxaan muddada loo qabtay gudaheed.

Sarkaal waaxda gaashaandhigga ka tirsan ayaa sheegay in haddii Biden uu oggolaado in waqtiga loo qabtay gudihiis ciidamada looga saaro Afghanistan ay hari doonaan maalmo yar. Haatan ilaa 5,800 oo ciidamo ah ayaa ku harsan dalkaas.

Sida laga soo xigtay Aqalka Cad, ilaa 10,900 oo qof ayaa shalay laga daad gureeyay Kabul intii u dhaxeysay 11:30 iyo 23:30 xilliga dalkaas (07:00 – 19:00 GMT).

Mareykanka ayaa daad gureeyay ugu badnaan 48,000 oo qof tan iyo intii ay howshu bilaabatay 14 August, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Sawirro laga soo qaaday Garoonka Dulles ee Washington ayaa muujinaya dadka Afghanistan oo imaanaya dalkaas.

Taliban ayaa isku dayday inay xeelad u adeegsato dadka Afghanistan ee go’aansada inay dalka joogaan, iyaodo ka codsatay inay dalka dib u dhisaan. Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa BBC-da u sheegay in dadka heysta baasaboorrada ay weli u furan tahay inay diyaaradaha caadiga ah raacaan wixii ka dambeeya waqtiga kama dambeysta ah.

Wuxuu yiri: “Waxaanu ka dooneynaa inay joogaan dalka balse haddii ay rabaan inay baxaan, way bixi karaan.”

Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wdaaa inay maanta yeeshaan kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo Afghanistan. Kulankan ayaa ku so aadaya iyadoo ay jiraan digniinno ka soo yeeray hay’adaha gargaarka oo ku saabsan xasaradaha bani’aadannimo ee ka sii daraya ee dalkaasi ka jira iyo walaaca xuquuqda aadanaha, gaar ahaanna haweenka.

Taliban ayaa sheegtay inay tixgelin doonto xuquuqda haweenka iyo gabdhaha balse waxaa jira warar ku saabsan xarig iyo dil ay kooxdu geysatay. Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Qramada Midoobay looga fadhiyo inay magacowdo guddi madax bannaan oo caalami ah oo baara waxa dhacaya.

Daad gureynta ayaa bilaabatay markii Taliban ay qabsadeen Kabul kaddib markii ay qabsadeen inta badan gobollada kale ee dalkaas xilli uu Mareykanku ku dhawaaqay go’aanka uu ciidamadiisa kala baxayo Afghanistan.

Meesha keliya ee aysan kooxdu gacanta ku heyn ayaa ah gobolka Panjshir ee waqooyi-bari Kabul ku yaalla, oo ay ku xoggan yihiin mucaaradka Taliban oo sheegay in kumannaan qof ay diyaar u yihiin inay dagaalka sii wadaan.

Taliban waxaa Afghanistan ka saaray ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda kaddib weerarradii al-Qaacida ee 11 September 2001. Waxaa ka dhashay dagaal socday muddo 20 sano ah.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post