693 Views

Gudoomiyaha Shabeellaha oo kulan looga hadlayay amaanka Baraawe la qaatay saraakiisha AMISOM

Gudoomiyaha Shabeellaha oo  kulan looga hadlayay amaanka Baraawe la qaatay saraakiisha AMISOM
____________________________________________________________________________

khamiis: November 4, 2021

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cabdiraxiin ayaa kulan looga hadlayay amaanka Baraawe la qaatay saraakiisha AMISOM ee ku sugan degmadaasi Baraawe.

Kulanka ayaa diirada lagu saarayay sidii ciidamada AMISOM ay ugu diyaar garoobi lahaayeen howlgallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo amaanka doorashooyinka la filayo inay ka dhacayaaan magaalada Baraawe.

Maxamed Cabdiraxiin Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maalmihii dambe kulamo gaar gaar ah la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ammaanka.

Kulankaan dhex-maray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM ayaa kusoo aadaya xilli shalay degmada Baraawe ay ku dagaalameen Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaad kasoo horjeeda habka loo dhisayo Golaha degaanka degmada Baraawe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post