1071 Views

Madaxweynaha Puntland oo diiday dalab uga yimid dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland oo diiday dalab uga yimid dowladda Federaalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 09, -2019 —Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magalada Boosaaso ayaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa ay  xalay kulan kula qaateen Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo xubno ka tirsan Xukumadiisa.

 

Xubnahaan oo shalay gaaray Boosaaso ayaa u jeedoodu waxaa uu ahaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, iyaga oo Madaxweyne Deni u gudbiyey dalab ka socda Dowlada Federaalka.

 

 

 

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa Wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay Madaxweynaha Puntland ka dalbadeen in la xaliyo khilaafka  ka dhaxeeya Dowladda Federaalka & Puntland, isla markaana Madaxwayne Deni ka baaqdo Caleema saarka madaxwaynaha Jubbaland.

 

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa horkacayey Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamal Maxamed Xasan,waxana la sheegay in Madaxweynaha Puntland uu ku gacan seyray dalabka ah in uu ka baaqdo Caleema saarka Axmed Madoobe,waxana kulankooda uu ku dhamaaday natiijo la’aan.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Boosaaso ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ay Maanta dib ugu soo laaban doonaan Magalada muqdisho, iyaga oo aan ku guuleysan qorshihii ay u tageen Magalada Boosaaso.

 

Dowladda Soomaaliya aya awaqti badan waxaa ay gelineysaa in wax mas’uul ah aysan ka qeyb-gelin Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe oo dhawaan ka qabsoomeysa Magalada Kisamayo,waxaana xusid mudan in Garoonka Muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Xubno uu kamid ahaay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment