672 Views

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalkii ugu weynaa tan iyo 2017-kii

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalkii ugu weynaa tan iyo 2017-kii
____________________________________________________________________________


Axad: January 30, 2022

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaalkii ugu weynaa tan iyo sannadkii 2017-kii. Dowladaha Mareykanka iyo Japan ayaa cambaareeyay dardarta tijaabada gantaallada ee ay Kuriyada Waqooyi la soo baxday sidii uu sanadka u bilowdayba.

Waqooyiga Kuuriya tan iyo 2017-kii ma tijaabin gantaaladeeda riddada dheer ee qaaradaha isaga talaaba iyo hubka nukliyeerka.

Balse tan iyo markii uu hakad ku yimid wadahadaladii niyukleerka ee kala dhaxeeyay Mareykanka ayaa waxay kuriyada waqooyi tijaabisay gantaalo kala duwan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale wacad ku martay inn ay sii wadi doonto barnaamijkeeda niyukleerka gaar ahaan sidii ay u heli lahayd gantaalo xambaara madaxyada niyukleerka.

Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday Kuuriyada Waqooyi inay tijaabiso hubka ballistic-ga iyo hubka Nukliyeerka, waxayna ku soo rogtay cunaqabatayn adag.

Balse gobolka bariga Aasiya ayaa si joogto ah uga horyimaada mamnuucista, waxaana hogaamiyaha Kim Jong-un uu wacad ku maray inuu xoojin doono difaaca dalkiisa.

Khamistii xukuumadda Pyongyang ayaa sameysay tijaabo kale, waana tii lixaad ee ay sanadkan sameyso.

Waxay noqoneysaa tijaabadii ugu badneyd ee ay muddo bil gudaheed ah sameyso.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay arrintaas, halka Kuuriyada Koofureed ay ku tilmaantay mid laga shalleyn doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post