1056 Views

Nin labo isbuuc aasnaa oo dib Qabrigii Looga so Saaray:Dhacdo ‘layaab leh

____________________________________________________________________________

Axad: December 19, 2021

Meyd qabri ku aasnaa muddo hal isbuuc ah ayaa lasoo saaray, ka dib markii la ogaaday in uu khalad dhacay inta aan laga bixinin qeybta meydadka lagu keydiyo ee isbitaal ku yaalla dalka Nigeria.

Nin masiixi ah ayaa lagu aasay qabuuro loogu talagalay dadka muslimiinta ah oo ku yaalla gobolka waqooyiga Nigeria dhaca ee Kano.

Sababta markii hore loogu aasay halkaas ayaa lagu sheegay in labada ruux oo aad isugu ekaa la isku khalday.

Aminu Adam, oo ah imaamka guud ee bulshada ku dhaqan bartamaha gobolka Kano ayaa BBC-da u sheegay inuu isagu qaatay mas’uuliyadda jahwareerka dhacay.

“Waxaa naloo sheegay in Cabdullaahi Obinwa uu meydkiisu ku jiray khaanadda lambarka 22-aad qeybta meydadka lagu keydiyo, markii aan aniga tagay inaan soo aqoonsadana, Basil Ejensi ayaa iila ekaaday Obinwa, oo nala noolaa muddo 40 sano ah. Labadooduba waxay ahaayeen niman jir ahaan iyo dhirir ahaanba la isku soo qaban karo, garna ma lahayn”, ayuu yiri Mr Adam.

“Marka aan weydiiyay mid ka mid ah shaqaalaha qeybta meydadka lagu keydiyo ee isbitaalka, waxay ii sheegeen in mararka qaarkood ay meydadka ka xiiraan garka, marka waxaan isaga maleeyay inuu ahaa Obinwa.”

Khaladka dhacay ayaa laga war helay ka dib markii qoyska Ejensi ay tageen isbitaalka, iyagoo qorsheynayay aaska wiilkooda geeriyooday, ka dibna waxay ogaadeen inuu meydkiisa maqan yahay.

Ka dib markii ay xaqiijiyeen in lagu aasay qabuuraha Muslimiinta, waxay u dacwoodeen maxkamad, taasoo u oggolaatay inay soo baxsadaan meydka.

Qoyska Ejensi way heleen meydkiisa, laakiin waxaan ilaa hadda meelna lagu sheegin meydka Cabdullaahi, oo wali la raadinayo.

Maamulka isbitaalka Aminu Kano, oo ah meesha uu khaladkan ‘dad badan ka yaabiyay’ ka dhacay ayaa BBC-da u sheegay inay hadda baaritaan wadaan.

Xigasho BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post