1065 Views

Qasaaraha ka dhashay Qaraxii shalay degaanka Gololey oo gaaray 21 qof dhimashada

Qasaaraha ka dhashay Qaraxii shalay degaanka Gololey oo gaaray 21 qof dhimashada
____________________________________________________________________________

April 15-4-2021

Wararka ka imaanaya degaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha dhexe, ayaa sheegaya in uu kordhay qasaraha ka dhashay Qaraxii shalay haleelay gaari caasi ah oo marayay Wadadaas.

Wariye Cabdiraxmaan Wadani oo Jowhar ku sugan ayaa saxaafada u sheegaya in tirada ay gaartay iminka ilaa 20 ruux oo kamid ah dadkii shacabka ahaa ee shalay gaari ay saarneeyeen miino ku haleeshay waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Wararka saaka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in si weyn looga dareemayo dhibaatadii ka dhalatay qaraxii shalay oo ay ku la’deen shacabka musaafurka ahaa.

Sidoo kale Waxaa la soo sheegayaa in dadka u dhintay dhaawacyadii soo gaaray ay waayeen daryeel caafimaad oo deg deg ah isla markaana intii waddada ku jireen oo isbitaalka loo waday aad u dhiig baxeen.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa waddooyinka muhiimka ah oo ay kamid tahay tan xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho waxay ku aasaan miinooyin kuwaas oo ku waxyeeloobaan dad badan oo Soomaaliyeed.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post