606 Views

Israa’iil oo soo riday diyaarado ay leeyihiin Xisbullaahi

Israa’iil oo soo riday diyaarado ay leeyihiin Xisbullaahi
____________________________________________________________________________

Axad: July 3, 2022

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in ay soo rideen saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha wadin kuwaas oo ku wajahnaa ceelashada shidaalka ee lagu muransan yahay ee ku yaalla badda Mediterranean-ka.

Saraakiisha militariga ayaa sheegay in diyaaradaha Drones-ka laga soo diray dalka Lubnaan, waxaana soo riday diyaarad dagaal iyo markab dagaal oo ay Israa’iil leedahay.

Xisbullaahi ayaa xaqiijisay inay hawada sare u dirtay diyaaradaha aan duuliyaha wadin kadib farriin kooban ay ka soo saareen dhacdada.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Lubnaan, taasoo salka ku haysa muranka ka dhashay ceelka shidaalka ee Karish.

Ergeyga arrimaha tamarta u qaabilsan Maraykanka Amos Hochstein ayaa dhexdhexaadin ka dhex wada labada dal si loo soo afjaro khilaafka muddada dheer soo jiitamayay.

Israa’iil waxay sheegtay in goobtan ay ku taal aag dhaqaale oo gaar ah oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, laakiin Lubnaan ayaa sheegatay qaybo ka mid ah dhulka.

Toddobaadkii hore, xoghayaha guud ee Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan sidii ay Israa’iil uga hor istaagi lahaayeen inay ka hawl-gasho ceelashada shidaalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post