945 Views

Qaramada midoobay oo sheegtay in ay dad ku barakaceen dagaalkii Wisil ee shalay

Qaramada midoobay oo sheegtay in  ay dad ku barakaceen dagaalkii Wisil ee shalay
____________________________________________________________________________

Isniin: June 28 2021

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka arrimaha bani’aadanimada, ayaa war ay soo saartey sheegtay kumanaan dad gaaraya iney ku barakaceen dagaalkii Wisil ee gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Qoxootigan ayaa waxey u kala carareen xeryaha Dhagaxleey, Hobyo iyo Gaalkacyo.

Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa ku boorisay dhinacyada dagaalamaya iney dhawraan xuquuqda dadka rayidka ah.

Wisil ayey shaley ku dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaal yahano katirsan al-Shabab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post