543 Views

Kenya: Haweeney “boolis iska dhigeysay”oo la soo xiray kadib markii ay telefishin ka soo muuqatay

Kenya: Haweeney “boolis iska dhigeysay”oo la soo xiray kadib markii ay telefishin ka soo muuqatay
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 29, 2022

Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo la sheegay in ay tahay siyaasi ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay in ay iska dhigtay haweeney booliis ah xilli ay ka soo muuqatay barnaamij dood ah oo ka baxayay mid kamid ah telefishinada maxaliga ah.

Eedeysanaha oo ay booliisku ku magacaabeen Monica Wamaitha Gitau, ayaa ku labisneyd dharka bilayska oo buuxa markii ay saaka ka qeyb galeysay barnaamij dood ah.

Bilayska ayaa haweeynedan soo xiray iyada oo joogta xarunta TV-ga, ka dib markii ay ay ogaadeen in Ms Wamaithai, aysan sarkaal boolis aheyn.

Eedeysanaha lasoo xiray iyo TV-ga Inooro midna kamay hadlin eedaymaha loo jeediyay.

Booliisku waxay ku booriyeen hay’adaha warbaahinta inay si taxadar leh u baaraan qofka ka hor inta aysan ku martiqaadin wareysiyo “si looga fogaado dhacdooyinkan oo kale mustaqbalka”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post