2883 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Ciiday Qaar Kamid Ah Bulshada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Ciiday Qaar Kamid Ah Bulshada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 21, 2018 — Ra’iisul wasaaraha xumuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa la ciiday qaar kamid ah bulshada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tegay goobo ay bulshada ku kulanto oo ku yaalla xaafadaha ku xeeran waddooyinka Sodonka iyo Wadnaha.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo xog-wareysi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageystay talooyinkooda, isla markaasna u sharraxay qorshyaasha dowladda ee dib u soo noolaynta kaabayaasha aasaasiga u ah dowladnimada.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha ayaa ahaa in uu si dhow ula socdo tabashooyinka shacabka, si loogu saleeyo wax-qabadka hay’adaha dowladda laguna dabbaqo nidaamka isla xisaabtanka.

rw-khayre-iyo-shacaka-ciida-5 rw-khayre-iyo-shacaka-ciida-4 rw-khayre-iyo-shacaka-ciida-3 rw-khayre-iyo-shacaka-ciida-2 rw-khayre-iyo-shacaka-ciida-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment