1395 Views

Milateriga dalka Chad oo gacanta ku dhigay in ka badan 250 dagaalyahan

Milateriga dalka Chad oo gacanta ku dhigay in ka badan 250 dagaalyahan
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 10, 2019 –Milateriga dalka Chad ayaa sheegay inuu gacanta ku dhigay in ka badan 250 dagaalyahan oo fallaago ah, ka dib hawlgal uu ku beegsaday Kooxo doonay inay dalkaasi kaga soo tallaabaan xuduudda Liibiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in tiradaasi badan ee dagaalyahannada la qabtay ah ay ku jiraan afar taliye, halka ay hawlgalkaasi ku gubeen 40 gaari oo ay wateen xooggagaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska oo gacan siinaya milateriga milateriga Chad ayaa maalmo ka hor dhowr goor duqeymo la beegsaday kolonyo fallaago ah oo marayay gobolka Ennedi.

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa u suurtagashay inay boqolaal kilo mitir gudaha u soo galaan dalka Chad ka hor inta aan laga hortegin sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment