723 Views

Gaari laga soo buuxiyay walxa Qarxa tuulada Cad-Cadeey gobolka Shabeellada Hoose ay ku qabten Ciidamada Danab

Gaari  laga soo buuxiyay walxa Qarxa tuulada Cad-Cadeey gobolka Shabeellada Hoose  ay ku qabten  Ciidamada Danab
____________________________________________________________________________

Axad February 14/2/2021

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa gacanta ku dhigay gaari la sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, kadib howlgal ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Nooca gaariga lagu soo raray qaraxa ee ay qabteen ciidanku waa Homey, waxaana lagu qabtay tuulada Cad-Cadeey oo hoos tagta degmada Afgooye gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Ciidamada Danab ayaa howlgalkaan sameeyey kadib markii lagu soo war-geliyey in Al-Shabaab ay halkas ku rakibayaan gaari qarax ah, waxaana u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan, isaga oo aan qarxin.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post