1701 Views

Mareykanka oo sheegay K/Waqooyi ay wali tahay halis niyukleer

Mareykanka oo sheegay K/Waqooyi ay wali tahay halis niyukleer
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 22, 2018 –Mike Pompeo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka,  ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi wali ay tahay khatar muuqata, inkastoo halistaasi imika ay yaraatay.

Waxaa uu sheegay in cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Kuuriyada waqooyi ay wali sideedi ahaan doonto ilaa iyo inta laga xaqiiijinayo burburinta Hubka Niyuklerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Mr Pompeo ayaa sheegay in mar dhaw uu u safri doono Pyongyang si uu Kuuriyada Waqooyi ugu cadaadiyo wadahadalada ku saabsan Niyukleerka.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay fariimo muujinayay rajo ka dib markii hogaamiyayaasha labada Kuuriya ay kulmeen.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ug talabaxo barnaamijka Niyukleerka.

Waxa uu sidoo kale ka shanqariyay rajada uu ka qabo in dadaalkani dublamaasiyadeed uu horseedi doono kulan labaad oo dhex mara madaxwayne Trump iyo Mr Kim.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment